IMAARAADKA oo wajahaya musiibo dhaqaale oo culus

Dubai (Caasimadda Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa laga cabsi qabaa inay wajahdo masiibo dhaqaale, iyadoona loogu baaqay inay qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah arrinkaasi.

Xuseen Sajwani oo ah ganacsade weyn oo Imaaraati ah, isla markaana ah aasaasaha iyo gudoomiyaha shirkada Damac Properties, ayaa si adag u sheegay in loo baahan yahay in laga hortago musiibadaasi dhaqaale.

Ganacsadahan ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan tahay in la qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah sababaha musiibadaasi dhaqaale horseedi karta oo ah mid la xiriirta dib u dhiska xad dhaafka ah.

Sajwani oo wareysi gaar siiyay wakaalada Bloomberg, ayaa waxa uu soo jeediyay arrin ah in la hakiyo dhamaan mashaariicda dhismaha Dubia muddo dhan hal ama labo sanno, si looga bad-baado musiibada dhaqaale ee arrinkaas.

“Hadda waxa aanu taaganahay kala badhka dariiqa, ama waa in aan wax ka qabanaa mushkiladaa, ama waa in aan fiirsanaa musiibada” ayuu yiri Xuseen Sajwani.

Sajwani aya sidoo kale waxa uu sheegay in iska dhego tirida arrintaasi ay horseedi karto dhaawac dhaqaale oo ku yimaada bangiyada maxaliga ah ee ka howl-gala waddankaasi gudihiisa.

Isagoona si cad u bidhaamiyay in burburkaasi dhaqaale uu ka dhalanayo ‘haddii dhismayaashu ay sii faro bataan oo xadka ka baxaan, weliba kuwa guryaha iyo hoteladu, inay sababi doonaan hoos u dhac qiimaha kirada iyo dakhliga soo gala dalka Imaaraadka, taasi oo ku keeni karta dalkaasi burbur dhaqaale oo xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com