Taariikhda ninka lagu wado inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Daacish (Aqriso)

Idlib (Caasimadda Online) –  Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Ciraaq Qardash ayaa hore wuxuu u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Ciraaq, isagoona ka hoos shaqeyn jirey Saddam Xuseen, inkastoo ay yar yihiin macluumaadka laga hayo shaqsigan.

Qardash ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay booska sharciga ee Al-Qaacida, isagoona marna ku xirnaa Xabsiga Bucca, sida laga soo xiganayo Khabiirka amniga Ciraaq, Fadil Abu Ragheef.

Qardashi ayaa waxa uu aad ugu dhawaa kuxigeenkii hogaamiye Al-Baqdaadi, kaasi oo isagana la dilay sanadkii 2016, laguna magacaabi jirey Abu Alaa al-Afri.

Waxaana uu Qardash ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dhacay fikirka Hogaamiyihii la dilay ee Abuubakar Al-Baqdaadi, isagoona lagu tilmaamay mid naxariis daran, marka la sifeynayo shaqsiyadiisa adag iyo milatarinimadiisa.

Qardash ayaa sidoo kale waxa uu muddooyinkii dambe u qaabilsanaa Ururka ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’, kaasi oo uu Abuubakar Baqdaadi u magacaabay, sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi.

Ciraaq Qardash ayaa lagu wadaa in uu la wareego hogaaminta Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, kadib geerida hogaamiyihii ururkaasi ee Abuubakar Al-Baqdaadi.

Ururka Daacish ayaa la rumeysan yahay in uu weli leeyahay awood, inkastoo ay wajahayaan guul-darooyin iyo dilka hogaamiyahooda, balse midaasi kama dhigeyso dhamaadka Ururkaas, sababo la xidhiidha awooda dhismeed ee gudaha ururkaasi.

“Sidii geerida bin-Laden ay u horseedin dhamaadka al-Qaacida, ayaa waxa la filayaa in takhalusida Al-Baqdaadi aysan noqonin dhamaadka Daacish” ayey tiri sarkaal hore uga tirsanaa Wasaarada gaashandhiga Mareykanka (Pentagon) oo ka hadashay dilka Baqdaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com