Xisbiga WADDANI oo ka fal-celiyey bayaankii maanta ka soo baxay Beesha Caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeeray Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku aadan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland.

“Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Waddani.

Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi Cabid sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada.

“Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka Waddani, Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, kaas oo kasii daray markii baarlamaanka oo labo sano oo muddo kordhin ah usii sameeyey madaxweynaha, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xisbiyada kala ah UCID iyo Waddani.