Xisbiga Xasan Sheekh oo musharrax culus u wata doorashada GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe ay musharrax culus ugu sharaxanayaan doorashada Galmudug ee la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Musharraxa xisbiga UDP ayaa la sheegay inuu yahay wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Odawaa ayaa la filayaa in maanta uu Muqdisho uga dhawaaqo inuu yahay msharrax u taagan xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaankan ayaa haddii uu ku dhawaaqo musharraxnimadiisa noqonaya musharraxii ugu horreeyey ee isku soo taaga hoggaanka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ka mid noqon doona mid ka mid ah musharaxiinta ugu miisaanka culus ee doorashada maamulkaasi,

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay dhismiha maamulkii hore Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado, intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha arrimaha gudaham Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya,

Dowladda dhexe ayaa sidoo kale galangal ku leh hanaanka doorashadan iyo dib u heshiisiinta Galmudug, taasoo ka dhigan in tartan culus loo geli doono doorashada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com