Xisbiyada mucaaridka iyo Muuse Biixi oo kulmay iyo qodob ay isku af-garteen

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulankii labaad qasriga madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka Somaliland, Waddani iyo Ucid.

Kulankan uu maanta Madaxweynuhu la qaatay Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ku wehlinayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici.

Kulankaasi oo daba socday kulan hore oo ay dhawaan wada qaateen Xisbiyada mucaaridka ah iyo Madaxweynuhu, ayaa waxa si gaar ah diirada lagu saarayey sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo noq-noqday ee ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Kadib markii kulankaasi oo saxaafadu dibad joog ka aheyd soo idlaaday, waxa warbaahinta la hadlay Madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, iyagoona si wada-jir ah u sheegay in labada dhinac isla shaqeyn doonaan si ay u qabsooman doorashooyinku.

Waxayna ka dhawaajiyeen in xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada ay isla qaateen inta ka horeysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhameystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.