Cantoobo ooo weerar lagu qaaday iyo iska hor-imaad ka dhacay Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay uu magaalada ka dhacay iska horimaad, iyadoo dhanka kalena aan la garanayn haddii uu khasaaro jiro iyo haddii kalaba.

Iska horimaadkan ayaa yimid markii kooxo hubeysan ay weerareen Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Cantoobo, oo tan iyo bishii October ku sugan Magaalada Dhuusamareeb. Ninkan ayaa si dhow ula shaqeeya Guddiga Farsamada ee ku hawlan Dhismaha Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Cantoobo lagu weeraray afaafka hore ee hoygiisa, xilli uu sii gelaayay hoyga uu ka degan yahay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ilaalada Maxamed Axmed Cantoobo, Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodan, iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayuu iska horimaad muddo kooban socday ku dhex maray xaafadda Dayax.

Cantoobo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Rabbigi na badbaadiyay ayaa mahad leh”

Xaaladda ayaa mid caadi ku soo laabatay, ka dib markii ay dib u gurteen kooxdii weerarka soo qaaday, oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo ku baxay goobtaasi ayaa ka sameeyay hawlgal kooban oo amniga ay ku xaqiijinayeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in Cantoobo uu ka badbaaday weerarkaasi, mana cadda in khasaaro uu ka soo kala gaaray ilaaladiisa iyo raggii weerarka soo qaaday. Weerarkan ayaa waxaan jirin cid ka hadashay.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, ay maanta is hortaag ku sameeyeen kulan ay magaaladaasi ku lahaayeen Ahlu Sunada Galmudug.