Xisbiyada mucaaridka oo heshiis cusub ka gaaray doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa maanta si wada-jir ah heshiis cusub ka gaaray arrimaha qabsoomida doorashooyinka Somaliland, oo mudooyinkii u dambeeyay uu ka taagna muran baahsan.

Xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa kulan ay maanta yeeshen waxay kaga wada-hadleen sidii ay is-afgarad uga gaari lahaayen khilaafka mudada badan ka taagnaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Kulankaasi ayaa waxay labada xisbi si wada-jir ah uga soo saareen War-saxaafadeed ka kooban saddex qodob, kaasi oo ay ku shaaciyeen mowqifkooda ku aadan qabsmooida doorashooyinkaasi.

“Shir ay maanta isugu yimaadeen labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani hogaankooda sare, ayaa waxa ay ku lafo-gureen kagana arrinsadeen sidii loo sii amba-qaadi lahaa loona xoojin lahaa qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Gollaha wakiilada iyo golayaasha Somaliland” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah War-saxaafadeedka ay labada xisbi soo saareen.

Halkan hoose ka aqriso

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com