Xog: Axmed Madoobe oo ka shakiyay qaar ka mid ah saraakiishiisa kadibna xiray

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa xilalkii laga qaaday qaar kamid ah Saraakiisha Ciidaamda Maamulka Jubbaland halka ilaa 3 kalane la xiray tan iyo markii dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam, (Axmed Madoobe) iyadoo guud ahaan gudaha Ciidamada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq iyo jawi ka badalan sidii hore.

Qaar kamid ah Saraakiisha magaalada Kismaayo ee Milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro shaki Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ka qabo qaar ka mid ah ciidamada, islamarkaana uu bilaabay in uu dib ugu laabto hogaanada Ciidamada.

Axmed Madoobe  ayaa qaba walaac ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo marto Ciidamada amaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo, kadibna ay qabsadaan magaalada ama uu ka dhaco Afgambi, sida ay noo sheegeen Xubno lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Saraakiisha Kismaayo ee Milateriga Soomaaliya.

Qofkii ugu dambeeyay ee lagu xiray Kismaayo islamarkaana ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Jubbaland waxaa uu ahaa Taliyihii Ciidamada degaanka Cabdalla Biroole, oo la sheegay in uu damacsanaa in uu soo galo Kismaayo isaga iyo Ciidamo kale oo degaanka ku sugan.

Ammaanka Madaxtooyada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo sidoo kale ay jiraan kulamo dhanka amaanka ah oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Kismaayo kuwaas oo u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah Saraakiishiisa uu ku kalsoonyahay.

Jubbaland ayaa aaminsan in Dowladda Soomaaliya ay xeelad Ciidan oo Afgambi ah ku qabsan karto magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose oo ah degaanka ama Saldhigga ugu wayn ee Jubbaland kadib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com