Xisbiyada Waddani iyo Ucid oo si adag uga horyimid xubnihii shalay la ansixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Ucid iyo Waddani ayaa maanta si adag uga horyimid lixdii xubnood ee komishanka cusub ee shalay ay ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland.

Waddani iyo Ucid ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaaneyn guddidaasi cusub ee shalay goluhu ansixiyay, maadama si juujuub ah oo sharciga baal marsan loo maray ansixinta guddidaasi.

Xisbiyada ayaa ku baaqay in loo baahanyahay in la iskugu yimaado talo qaran, taasi oo lagaga arrinsanayo guddidan cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland.

“Waxa ay labada xisbi qaaadaceen wada shaqaynta xubnaha lagu sheegay komishanka ee lagu keenay sifadda juujubka ah kaas oo loo maray dariiq sharcig baalmarsan” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo wada saareen Ucid iyo Waddani.

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaalada uu dalkuu marayo oo masiirkiisu ummadu uu gabi ka laad-laado”.

Xisbiyada mucaaridka Somaliland, ayaa si weyn waxay uga soo horjeedaan labo xubnood oo uu madaxweynuhu ku daray guddidaasi shalay la ansixiyay, kuwaasi oo kala ahaa Cabdirashiid Riyo-raac iyo Marwo Kaltuun oo iyadu hore uga ka tirsaneyd guddidii hore ee komishanka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com