Xog: 40 qof oo muddo laba bil ka badan kiis qabiil ugu xiran maamulka HirShabelle

Balcad (Caasimada Online) – Xabsi ku yaala magaalada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa tan iyo 18-kii bishii hore waxaa ku xiran 33 qof oo isugu jira dhallinyaro iyo odayaal da’ah, kuwaas oo la soo qabtay markii lix qof oo subac aqrinayay lagu dilay degaan hoos taga degmada Raage Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay tuulo aan aheyn tii uu dil wadareedka ka dhacay, waxaana la sheegay in ay wax ka ogaayeen dilkaas maadaama beesha wax dishay ay odayaasha qaarkood u yihiin dhaqan halka dhallinyaradana looga shakisan yahay inay dilkaasi wax ka ogaayeen.

Maxamed Muxumed Xasan, oo ay qaraabo yihiin dadka xiran ayaa dalbaday in odayaasha la soo daayo ama la soo taago maxkamad maadaama ay waqti dheer xiran yihiin.

“Muddo dheer ayey xiran yihiin mana jirto cid maxkamad soo taagtay, qaarkoodna waa ku xanuunsadeen xabsiga sababtoo ah waxaa ku jira dad waayeello ah oo ku sii jiri karin xabsiga,” ayuu yiri Maxamed Muxumad oo ka tirsan dadka degaanka.

Waxaan dalbanayaa in odayaasha la sii daayo islamarkaana si dhab ah loo baaro xasuuqii dhacay oo aan kawada xunahay waana dagaal beeleed 25 sano soo taagnaa balse dadka xiran waa in maxkamad la saaraa si dambi loogu heli ama loogu waayo balse in leeska heesto waa ayaan darro,” ayuu yiri Maxamed.

Maamulka HirShabeelle ayaa dadkaan ka soo xiray tuulo ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana saacado lagu haayay degmada Raage Ceelle iyadoo markii dambe loo soo wareejiyay Balcad.

Warar madaxa banaan ayaa sheegaya in maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidanka ay odayaashaan ka dalbadeen in la soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dil wadareedkii haddii cadeen waayaanna aan la sii deen doonin.