Kadib ku dhowaaqista xildhibaanada maxaa laga filan karaa HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Waaxaa weli buuq iyo is jiid-jiid siyaasadeed uu ka taagan yahay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, iyada oo xalay si rasmi ah loogu dhowaaqay liiska xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanada la shaaciyey oo u badan dhalinyaro ku cusub siyaasadda ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 90 xubnood, sida ku cad liiska uu soo saaray guddiga farsamada.

Sidoo kale waxaa aad u kooban tirada haweenka ee ku jira xildhibaanada lagu dhowaaqay waxaana kaliya dumar ka ah 5 xubnood, taasoo saluug laga muujinayo.

Waxaa sidoo kale liiska dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, balse waxaa meesha laga saaray xubinimada guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa, halka Canab Axmed Ciise ay dib u heshay xildhibaanimadeeda, iyada oo shaneysay afar dumar oo lagu soo daray baarlamaanka cusub ee maamulka HirShabelle.

Kadib ku dhowaaqista xildhibaanada maxaa laga filan karaa HirShabelle?

Inkastoo guddiga farsamada doorashada HirShabelle uu shaaciyey in xildhibaanada lagu dhowaaqay loo qeybiyey hab-qabsiga beelaha dega gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ayaa haddana waxaa weli jira cabasho iyo dood ay qabaan beelaha qaar, gaar ahaan beesha Xawaadle oo miisaan ku leh dhismaha HirShabelle, siiba Beledweyne.

Beeshan waxa ay xildhibaanada cusub ka heshay illaa 12 xubnood, sida ku cad liiska lagu dhowaaqay, hayeeshee waxay dood ka qabtaa kursiga madaxweynaha oo markii hore la siiyey Beledweyne, balse haatan la doonayo in laga soo wareejiyo, taas oo dhalisay muran aad u xoogan.

Marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan dad badan ayaa dhaliil ka muujinayo, maadaama ay meesha ka maqan tahay doorka dowladda dhexe iyo kan maamulkii hore ee HirShabelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu waqtigiisu dhammaaday ayaa horey uga horyimid tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday guddiga farsamada, isaga oo xusay in uu qabyo yahay guddiga, islamarkaana lagu darayo xubno dheeri ah oo haween ah, balse ma jirto cid dhageysatay hadalka madaxweynaha ee ku aadan dhismaha guddiga.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana khilaafka ugu daran uu ka taagan yahay doorashada xilka madaxweynaha oo uu u taagan yahay Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba in HirShabelle ay ku socoto burbur iyo kala qeybsanaan hor leh, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in wax is-bedal ah uusan soo kordhi doonin, maadaama weli xilalka ugu sarreeya ay u taagan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore.

HirShabelle ayaa tan iyo markii la dhisay wajaheysay khilaafaad dhanka maamulka ah, daruufooyin dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah, waana kan ugu liito maamullada dalka.