Sawiro: Dibadbaxyo ka dhan ah gefkii Macron ee Islaamka oo ka dhacay Soomaaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, sida magaalooyinka Muqdsho iyo Gaalkacyo ayaa dhigay dibad-baxyo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Dadka dhigayey dibad-baxyada ayaa isugu jiray culuma-udiin, arday, waxgarad & qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas kasoo horjeeday madaxweynaha Faransiiska.

Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga dhiidhiyey aflagaadadii uu Macron u geystay Islaamka iyo taageerada uu u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay dibad-baxyadan ayaa sheegay in hadalka Macron uu meel ka dhac ku yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, iyaga oo gubayey Sawirradiisa.

Wadamo badan oo muslmiin ah ayey ka dhaceen dibad-baxyada & carada ka dhalatay hadalkii Emmanuel Macron boo aflagaadu u geystay Islaamka, isagoo taageero ugu muujiyey macalinkii la dilay ee sawir loogu gafayo Nebiga NNKH tusiyey ardaydiisa.