Maamulka JUBBALAND oo amar soo saartay, kadib dilka madaxii shirkadda AMAL

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta War-saxaafadeed kasoo saartay dilkii magaalada Kismaayo labo cisho ka hor loogu geystay madaxii baanka Amal, Cabdullaahi C/salaan Sheekh Axmed (Shigshigow).

Kadib shir deg-deg ah oo Jubbaland ka yeelatay dilkaasi, waxay amartay in sida ugu dhakhsaha badan lagu dhameystiro baaritaanka falkaasi, isla markaana laamaha amaanku uu dadaal dheeriya geliyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay.

Golaha amniga maamulkaasi oo maanta kulan ka yeeshay falka amni darro ee lagu khaarajiyey Cabdullaahi Shigshigow ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay ehelkii, caruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Kulanka maanta ee arrintan looga hadlayay oo uu shir guddoominayay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili ay dilkaasi ka soo wareegtay muddo ku siman labo maalin, lamana oga sababta uu maamulkooda uga aamusnaa.

Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi looga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo.

Dilkan ayaa ahaa kii labaad oo magaalada loogu gaysto dad miisaan ku dhex leh muddo laba bil gudahood ah, ayada oo bishii September magaalada lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga Kismaayo Shaafi Raabi.