Xog: Abiy oo Farmaajo ka codsaday inuu la xaliyo arrin muhiim u ah Ethiopia

Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb ka ahaa shirkii saddex geesoodka ahaa ee ay Asmara ku yesheen madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa caawimaad weydiistay madaxweyne Farmaajo.

Sida uu Caasimada Online u sheegay xubin ka mid ah wafdiga la socda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Dr Abiy Ahmed waxa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay gacan ka siiyaan fududeynta heshiis waara oo ay gaadhaan Itoobiya iyo ONLF.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu madaxweyne Farmaajo mar labaad kula kulmay madaxda ONLF magaalada Asmara, isaga oo sidoo kale ku casumay in in ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Arintan waxa ay caddeyneysaa saameynta sii xoogeysaneysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso siyaasadda Geeska Africa.

Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya ay sidoo kale hormuud ka tahay dadaalada lagu dhex dhexaadinayo dowladaha Jabuuti iyo Eritrea oo uu dagaal ku dhexmaray xuduudda labadaas dal muran dhuleed awgiis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com