Madaxweyne Farmaajo oo madaxda ONLF ku marti-qaaday Muqdisho + Sawirro

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad magaalada Asmara ee dalka Eritrea kula kulmay jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, sida xubno ka mid ah waftiga madaxweynaha ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa Asmara ku jooga booqasho, si uu uga qeybgalo kulan saddex geesood ah oo ay lee yihiin Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Hase ahaatee sida Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah wafdiga dowladd Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo waxa uu ONLF ku marti qaaday in ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Casuumaddan ayaa ku timid kulan Asmara ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Ururka ONLF  Maxamed Cumar Cismaan.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii ay isu soo dhawaadeen dowladda Soomaaliya iyo ONLF oo uu khilaaf ku saabsan u dhiisbistii Itoobiya ee Cabdikarrin Shikeh Muse Qalbi Dhagax u dhexeeyey.

Socdaalkii kaan ka horreeyey ee uu Farmaajo ku tagey Asmara, ayay sidoo kale madaxda ONLF ku sheegeen inuu raali-gelin buuxda uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax, inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan xaqiijin taas.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulantay dhiibistii Qalbi-Dhagax oo warbixin uu soo saaray baarlamanka Soomaaliya ay sheegtay in madaxda sare ee dalka aysan ka war-hayn, laguna eedeeyey taliyihii hore ee NISA, Cabdulllaahi Sanbaloolshe. Sanbaloolshe ayaa isna sheegay inuusan qaadin tallaabo aysan madaxdu ogeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com