Xog: Afar arrin oo sababay go’aankii uu qaatay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xubnaha Golaha Shacabka ka hor sheegay in amniga iyo hoggaanka doorashada uu ku wareejiyay ra’iisul wasaare Rooble. 

Inkastoo wali ay mucaaradku qabaan dood ku saabsan in Madaxweynaha wareejiyo ammaanka guud ee dalka, lana beddelo hoggaanka ciidamada, ayaa hadana waxaa loo arkaa in uu kasoo dabcay halkii uu joogay bilooyinkii la soo dhaafay. 

In Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo ammaanka doorashada iyo hogaankeedaba waxaa loo arkaa in ay keeneen 4 qodob oo aad u culus, oo qasbay, kuwaas oo kala ah. 

1- Dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo keenay in qeybo badan oo magaalada ay gacanta dowladda ka baxday, ayada oo xaafado badan ay qabsadeen ciidanka diida muddo kororsiga

2- Dhaqaalo la’aan xoog leh oo ay wajaheyso dowladda, taasi oo meesha ka saartay arrimo badan oo dowladda ay ku furdaamin jirtay dhaqaale, si gaar ahna saraakiishii ciidamada ee kasoo jeeda beelaha Hawiye ee la laaluushi jiray.

3- Dhamaan maamul gobaleedyada oo ka furtay Villa Somalia, marka ay noqoto arrinta muddo kororsiga, oo ay ugu dambeeyeen Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

4- Iyo Beesha Caalamka oo cadaadis xoog leh saartay Madaxweynaha, uguna hanjabtay cunaqabteyn, aqoonsiga oo lagala laabto iyo xayiraado kale.

Dad badan ayaa u arka in Madaxweyne Farmaajo oo markii hore damacsanaa in uu awood ku maquuniyo mucaaradka uu dareemay in magaalada uusan ku adkaan karin kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay xaafado kamid ah Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay muranka doorashada iyo muddo korarsiga. 

Farmaajo ayaan weli hab qoraal oo rasmi ah ku wareejin amniga doorashada iyo hogaankeedaba, waxaana taagan caqabado cusub oo dhinaca mucaaradka ka soo baxay. 

Mucaaradka ayaa dalbanaya in Madaxweynaha wareejiyo ammaanka guud ee dalka, taasoo haddii aysan dhicin ay qabaan in dhibaato kale uu dalka lugaha la geli karo.