Jubaland oo shaki weyn ka muujiysay go’aankii Farmaajo ee doorashada iyo amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay go’aankii madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo shalay shaaciyey in doorashada dalka iyo amnigeeda uu ku wareejiyey ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka ayaa shaki weyn geliyey go’aanka Farmaajo, wuxuuna shaaca ka qaaday in Jubbaland aysan aamini doonin illaa si buuxda uu u wareejiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah carabka ugu goday in weli howl qabyo ah ay tahay wareejinta uu sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Ma wada dhamo oo sidii la rabay ma aha in xukunka uu wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa laga habboon yahay in uu isku dhaliyo ciidamadii ayaa is hor fadhiya, mana ahayn in uu doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana in uu saxiixaa warqadda xil & amar wareejinta” ayuu yiri Eng Cabdi Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Farmaajo ay u laaban tahay gacan gadaal, taas oo uu doonayo inuu ku wajaho amniga iyo doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay soo dhoweyneyso in hoggaaminta doorashada loo gacan-geliyo Rooble, balse ay tahay in si dhameystiran loogu wareejiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweyne Farmaaho baarlamaanka hortiisa ka sheegay inuu awooda doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Rooble.