Xog: Siyaasi caan ah oo kasoo goostay S/LAND (Magaciisa & halkuu ku biiray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo wareedyo ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa inoo xaqiijiyay in Siyaasiga weyn Fu’aad Aadan Cadde oo kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag  uu usoo goostay Puntland.

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu ka tirsanaa Maamulka Somaliland, waxa uuna ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan arrimaha gobollada Bariga, islamarkaana ah Siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay Maamulka Hargeysa, ayaa xiligaani ku sugan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo ay kusoo dhaweeyen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu asal ahaan kasoo jeeda Degmada Xuddun, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu ku sugaayo Qoyskiisa isagoona kadib loo soo wareejin doono Magaalada Garoowe, si uu halkaasi ugula kulmo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Goosashada Siyaasi Fu’aad ayaa ah mid daba soctay goosashadii Siyaasiga lagu magacaabo Axmed Cabdi Xaabsade oo dhawaan Puntland u soo goostay.

Dhanka kale, Siyaasi Fu’aad Aadan Cadde ayaa la tilmaamayaa inuu kasoo carooday Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaana la sheegayaa ka hor inta uusan soo goosan Fu’aad uu lasoo xiriiray Madaxweyne Gaas iyo Odayaasha Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com