Sawirro: Kulan xasaasi oo dhex maray Xasan & wasiirka ganacsiga Denmark

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dowladda Denmark Mogens Jensen.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Xalane oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu Wasiir  Mogens Jensen uga warbixiyay halka uu maraayo Ganacsiga, Amniga, Horumarka waxa uuna Madaxweynaha Wasiirka ka codsaday in Dowlada Denmark ay kaalin buuxda ka qaadato Tayeynta Wasaarada Ganacsiga Somalia, waxa uuna sheegay in iminka ay soo kabsanayaan Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu Sidoo kale, Wasiirka u sharaxay Hanaanka ay Dowladiisu ku horumarineyso Ganacsiga Dalka, inkastoo shirka uu ahaa mid aan laga sii helin Macluumaad waafi ah.

Mogens Jensen waxa uu Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka Arrimaha Dibada u ballan qaaday in Dowladiisu ay ka taageeri doonaan dhan waliba, waxa uuna sheegay Mogens Jensen inay tayeyn doonaan Wasaarada Ganacsiga iyo Xarumaha DFS gaar ahaan kuwa Ganacsiga.

Mogens Jensen Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku yimaado Soomaaliya kadib burburkii dowladdii dhexe e dalka 25 sano ka hor.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safarkii uu kaga yimid dalka Maraykanka ayaa sheegay in waxyaabo badan uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Brack Obama.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka tirsan wafdigii u raacay Maraykanka ay ku soo hareen Washington si buu yiri ay u dhameystiraan howlo muhiim ah oo ku saabsa xiriirka labada dal.

1 2 3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com