Wasiirkii gaashandhigga oo taageeray hub ka dhigista siyaasiyiinta Muqdisho

Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashandhigga, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa soo dhaweeyay tallaabada xukuumadda ay ku billowday in hubka looga qaado siyaasiyiinta Muqdisho

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayuu Mr. Fiqi uu sheegay in dowlada ay la soo daahday qorshahan cusub ee hubka looga aruurinaayo hoggaamiyaal kooxeedyada iyo siyaasiyiinta.

Wuxuu sheegay in hubka ay heesan karaan uun ciidamada iyo hey’addaha ka tirsan dowladda balse ay mamnuuc tahay in cid kale ay hubka heestaan.

Wasiirkii hore ee gaashandhigga ayaa dowladda ku booriyay in ay sii wado qorshahan oo haddii la sii wado uu yiri waxay horseed u noqon doonaan in dalka uu nabad noqdo.

Hadlaka wasiirkii hore ee gaashandhigga ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka billowday howgal ka dhan ah hubka sharci darrada in kastoo dhaliilo badan ay ka yimaadeen arrintaas.

Habeen hore waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ay ciidamada nabad sugida ku qaadeen gurri uu deggan yahay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare waxaana weerarkaas ku dhintay taliyihii ugu sareeyay nabad sugida gobalka Banaadir.

Golaha wasiiradda xukuumadda ayaa meel mariyay sharciga xakameynta hubka iyagoo soo dhaweeyay howgallada ay wasaaradda ammaanka qaranka ay ka billowday Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa caaddi ka ah in hubka la iska heysto waxaana hubka uu u gacan galay shacabka wixii ka dambeeyya burburkii dalka 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com