Weerar culus oo lagu qaadaay ajaaniib SHIDAAL u baarayey SOMALILAND

By Asad Cabdullahi Mataan

Sool (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen shaqaale u dhashay dalka Norway kuwaasoo howllo shidaal baaris ah ka waday deeganno uu maamulo maamulka Somaliland.

Dadka deeganka ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay weerar ku qaadeyn shaqaalahan oo marayay deeganno ku yaalla gobalka Sool.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la sheegay in ay jiraan wax yeelo soo gaartay shaqaalaha la weeraray.

Shaqaalaha la weeraray ayaa u shaqeenaayay shirkad laga lee yahay dalka Norway taasoo howllo shidaal baaris ka waday deeganno gobalka ku yaalla.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan maamulka Somaliland uu shaaciyay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo waardiyeeya shaqaalaha ajnebiga ee howlaha shidaal baarista ka wad deegannada Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran Cadde ayaa tilmaamay in ciidamadaas laga soo kala xulay booliska iyo ciidamada milliariga ee Somaliland.

Waxaa sheegis mudan in deegannada shidaal baarista ay ka wadaan shaqaalaha ajnebiga in ay isku heystaan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Faah-faahinta warkan kala soco Caasimada Online