Beesha MURUSADE oo ku hanjabtay in ay ka AAR-GOOSAN doonaan falkii DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Xassan Madoobe oo kamid ahaa Odayaashii soo dhisay Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegay in Dowladu ay dibin-daabo u maleegeyso Beesha Murusade.

Suldaanka oo la hadlaayay Warbaahinta SKY kana duulayay weeraradii lagu kala qaaday Sargaal Sare Cabdi Ileys iyo C/weli Qanyare, ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Xasan Sheikh ay isku direyso Saraakiisha iyo Madaxda Beesha ee ka tirsan Dowlada, wuxuuna Tilmaamay in Sargaal sare uu Weerarkii lagu qaaday C/weli Qanyare uga dhintay Dagaalka, isagoona Dagaalkaasi ku tilmaamay mid leysu adeegsanaayay isla Beesha.

‘’Haa nasiib daro ayay u tahay inay isku disho beesha dhex-deeda, Sargaalkii hogaaminaayay weerarkii lagu qaaday C/weli waxaa hogaaminaayay wiil aan Adeer u ahay, waxa uuna duulaanka ku qaaday wiil kale oo aan adeer u ahay, taasi waxa ay ka turjumeysaa is iyaga leysu adeegsanaayo’’

Suldaanka waxa uu shaki galiyay in Weerarada lagu qaaday Cabdi Ileys iyo C/weli Qanyare uu ahaa mid ay ka dambeysay Dowlada, balse waxa uu farta ku goday inay wateen reero gaar ah oo iyagu daneynaayay Hubka la qaaday.

‘’Dowlada waxaan uga fadhinaa inay ka jawaabto islamarkaana naga raali galiso, haddii aysan taasi dhicin, howshu waxa ay noqoneysaa mid ay aan ka jawaabno dhankey doontaba ha ahaatee’’

Dhanka kale, waxa uu Suldaan Xasan Madoobe Tilmaamay inay ku dhaqmi doonaan qodobada kasoo baxa shir uga socdo Magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan Dowladu u arki doonin mid dhowreysa Nidaamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com