Xog: Siyaasiyiinta Hawiye ee Muqdisho oo kala carar ku jira kaddib markii ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia weeraro kala duwan ku qaaden guryo ay Magaalada Muqdisho ka degnaayen Saraakiil iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in Siyaasiyiinta qaar ay ka guurayaan guryihii ay ka degnaayen Degmooyinka.

Weeraradii is xig-xigay ee Habeenadaani lagu qaadayay guryaha Mas’uuliyiintaasi oo u badan beelaha Hawiye, ayaa waxa uu dhaliyay shaki sababay in Siyaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda qaarkood ka guuran guryahooda una guuraan Hoteelada waaweyn, si ay uga bad-baadan weerarada cusub oo ay bilaabeen Laamaha Ammaanka Dowlada.

Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa u guuraya guryo cusub, oo aan lagu aqaan, si ay isaga ilaaliyaan weerarada gaadmada ah ee DF.

Siyaasiyiinta qaar ayaa la sheegayaa inay degeen Hoteelada Jaziira, City Plaz iyo Makka Al-mukarama oo ay ku adag tahay in lagu qaado weerar abaabulan, iyadoona Hoteeladaasi ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u badan, waxa ayna doorbideen Siyaasiyiintaasi inay dhaqaalo aysan aboodin ku bixiyaan Hoteelada.

Dowlada Federaalka ayaa iyadu u gaarsaneysa Siyaasiyiintii xilalka ka soo qabtay Dowladihii hore iyo kuwa hadda ku jira, waxaana arrintaasi cabsi ka muujiyay Siyaasiyiinta oo iyagu xal u arkay inay ka guuraan guryahooda magangalyana ka raadsadeen Hoteelada.

Dhanka kale, Waxgaradka Muqdisho, ayaa iyagu dhaliilay weerarada cusub oo ay Dowladu ku qaadeyso guryaha ay ku noolyihiin Madaxda Dowlada, waxa ayna Tilmaameen in arrintaasi ay dhalin karto Dagaal iyo kala irdhoow ka dhex dhasha Madaxda DFS.

Siyaasiyiinta Hawiye ayaa aaminsan in arrintan cusub ay tahay dagaal beesha Hawiye kaga imanaya ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/qaadir, balse ay la iman doonaan qorshe ay isaga dhiciyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com