Xog: Mustaf Dhuxulow oo ay beeshiisa ku kacday (Maxaa XAMAR ka socda?!!)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Beesha Murusade, ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho uu ka socdo kulamo u dhexeeya Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha oo iyagu dhaliilsan qaabka uu Wasiir Mustaf Dhuxulow u matalaayo Beesha.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xildhibaanada iyo Odayaasha ay ka doodayaan sidii ay ka yeeli lahaayen Weeraradii is xig-xigay ee lagu qaaday Dhismooyin ay Magaalada Muqdisho ka degmaayen Sargaal sare iyo Siyaasi ka tirsan Beesha Karanle.

Ilo wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada iyo Odayaasha ay aad uga carooden Weeraradii lagu qaaday Xildhibaan C/weli Qanyare iyo Sargaal sare Cabdi Ileys, waxa ayna tilmaameen in falkii hore ay la yaabanaayen haddana uu kusoo xigsaday kan lagu qaaday C/weli Qanyare, taasi oo ay ku tilmaameen mid lagu daan-daansanaayo.

Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la sheegayaa inay aad u dhaliilsan yihiin qaabka uu Wasiir Mustaf Dhuxulow u matalaayo Booska Beesha Karanle, iyadoona ay Beeshu aaminsan tahay in weerarkii lagu qaaday Sargaal sare Cabdi Ileys uu sabab u ahaa Dhuxulow oo isagu waan-waan kusoo waday Sargaalka kadibna Ciidamada faray inay waajibkooda gutaan.

Dhanka kale, Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa Wado qorsho Wasiir Mustaf xilka looga qaadayo, waxaana Magaalada Muqdisho ku kulmaayo Odayaasha oo iyagu tilmaamaya in Dhuxulow uu dhulka la galay Jiritaanka Beesha iyo kaalinta ay ku dhex leedahay Beelaha kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com