Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xog cusub oo la xiriirta kooxda Al-Shabaab, taasi oo sheegaysa inay xir-xirtay horjoogayaal dhowr ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Horjoogayaashan ayay dowladdu sheegtay inay yihiin kuwa darajada dhexe, kuwaasi oo kooxda ku beegsatay degmooyin kala duwan oo dhowr ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Sidoo kale waxay kooxda Al-Shabaab xir-xirtay maleeshiyaad badan oo la sheegay inay taabacsanayeen madaxda loo taxaabay xabsiga, oo aan si rasmi ah magacyadooda loogu shaacin xogta ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Sababta qaar kamid ah horjoogayaasha kooxda iyo maleeshiyaadka taabacsanaa loo xiray ayay xogtu sheegaysa inay salka ku hayso kala shaki soo kala dhex-galay xubnahaasi iyo madaxda sare ee kooxda.
“Cabsida haysata horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sababtay in la xir-xiro qaar kamid ah horjoogayaasha darajada dhexe iyo maleeshiyaad badan,” ayaa lagu yiri xogta ay baahisay warbaahinta dowladda.
Horjoogayaashan iyo xubnaha kale ee kooxda ka tirsanaa ayaa waxaa laga soo xiray magaalooyinka Bu’aale, Buulo-fuulaay, Saakow, Kuuuya-barrow iyo Ceelbuur.
Tallaabadan cusub ayaa imaneysa xilli kooxda Al-Shabaab ay xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay hore u shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda ayaa xilligaas baahisay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee la xiray, kuwaasi oo ay ku kala sheegtay Fu’aad Baajuuni oo kasoo jeed dalka Tanzaaniya iyo Qudaama Kenyaati oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya.
Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah.
Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada, halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.