Dhageyso: Muxuu Jeneraal Odowaa Yuusuf ka yiri xil ka qaadista lagu sameeyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horreysay ka hadlay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo xilka taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ibraahim ayaa horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid kamid ah sunaha dowladnimo ee xilka, islamarkaana uusan ka xumaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax ay tahay in la iweydiiyo ma ahan, madaxda qaranka oo isbeddelka sameysay su’aashii la weydiin lahaa waaye,” ayuu yiri Odowaa oo VOA ay weydiisay in isbeddelka lagu sameeyay taliska ciidanka ay wax u dhimi karto howl-galka dagaalka ee ka socday dalka.

Odowaa ayaa meesha ka saaray in xil ka qaadistiisa la xiriirto khilaaf soo kala dhex-galay wasiirka gaashaandhiga iyo in uu waayay kalsoonidii madaxweynaha Soomaaliya intii uu shaqeynayay.

“Madaxweyne Xasan kalsooni 100% ayuu ku qabay howsha hayay, muhiim ma ahan hadda ciidanka nahay cidda na magacowday iyo cidda meesha joogta. Waxaa muhiim noo ah waajibaadkeena iyo shaqada noo taalla in aan qabano islamarkaana aan fahmi karno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana ay ciidanka xoogga dalka ay muddooyinkii dambe ku tallaabsadeen horumar ballaaran.

“Ciidanka xoogga dalka maanta meesha uu marayo waa meel aad iyo aad u wanaagsan. Tayada ciidanka waxaa ka dareemi karta sanadihii ugu dambeeyay isbeddelada iyo guulaha isdaba jooga ee ay gaareen iyo goobaha ay maanta joogeen.”

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

Xil ka qaadista Odowaa ayaa timid maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.