Xog: Arrin wareer ah oo Xamar ka taagan kadib markii shirkad ay si qarsoodi ah uga billowday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka wada olole lagu uruurinayo markii ugu horeysay canshuurta Guryaha la degan yahay, waxaana mudooyinkii danbe la arkayay ciidamada ilaalada degaanka ee Minishiibiyada oo hubeysan, ciidamo kale iyo guddiyada degmooyinka oo wareegaya xaafadaha degmooyinka isla markaana ururinaya dadka aan bixin canshuurta.

Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayay ka dhacday in dadweyne u badan haween oo guryaha loogu tegay la isugu keeno goobo barxad ah oo loo sheego in la xirayo haddii aanay lacagta canshuurta ah bixin, waxaana dadka qaarkood laga qaaday ganaax iyo canshuur wada jira.

Ma cadda qaabka loo qaadayo canshuurta Guryaha oo bilaabtay intii uu guddoomiyaha ahaa Xasan Muungaab, mana jiro warbixin dadka laga siiyay qaabka canshuurta loo dalacayo, tariifada loo gooyay noocyada guryaha kala duwan iyo cidda qaadeysa.

Degmooyinka qaarkood waxaa guryaha caadiga ah ee dhagaxa lagu dalacay lacag Shilin Soomaali ah oo u dhaxeysa 500,000 ilaa 800,0000 halka degmooyinka qaarkood laga qaadayo ilaa 1600,0000.

Xogta,  ayaa sheegeysa in shirkad gaar loo leeyahay ay la wareegtay qaadista canshuurta guryaha, iyadoo 49% qaadaneysa lacagta canshuurta, waxaana canshuur qaadista bannaanka ka taagan waaxda dowlada hoose ee arrintan qaabilsaneyd.

Shirkadda INTIFAAC ee canshuur ururinta wada ayaa heshiiska lala galay uu yahay mid qarsoodi ay, waxayna ka mid tahay shirkado fara badan oo loo gacan geliyay dakhliga soo gala dowladda iyadoo hay;adihii dowladeed ee u xil saarnaa laga qaatay, lama oga waxa ay ku qaadaneyso lacagta intaas la eg oo aan ka ahayn inay soo daabacdo waraaqaha lacag qabashada.

Canshuurta qaadista guryaha waxaa la socda Aqoonsi ama ID Card loo sameynayo dadka Guryaha leh oo markii hore ka mid ahaa kharashka canshuurta, balse degmooyinka ay lacag kale ka dhigeen iyagoo $12 dusha ka saaray dadka guryaha leh, taasoo ka baxsan canshuurta, waxaana arritan lagu sheegay khidmo ay qaadaneyso degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com