RW CCC oo weeraray Axmed Madoobe & C/wali Gaas sheegayna in Nidaamka 4.5 uu yahay…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag uga hadlay jahwareerka Dowlada Somalia ka heysta dhanka xal u helida ismaan’dhaafka kala dhexeeya maamulada dalka.

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in xukuumadiisu aysan aqbali doonin in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay qasaan Siyaasada iyo xasiloonida dalka, waxa uuna cadeeyay inaysan jirin meel looga weecdo ku shaqeynta nidaamka 4.5.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in muddo bil iyo maalmo Siyaasada Somalia ay u qasan tahay Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, hayeeshee arrinkaasi uusan aheyn mid wax ka bedeli doona qorshaha horyaalla Dowlada.

Waxa uu soo hadal qaaday ahmiyada uu nidaamka 4.5 u leeyahay Dowlada waxa uuna tilmaamay in beelaha Soomaaliyeed ay gabi ahaantooda ku qanacsan yihiin nidaamkaasi, balse ilaa iyo hadda uusan garaneynin ujeedka Jubbaland iyo Puntland.

”Anigu ma garankaro ujeedka looga soo horjeedo nidaamka ay Soomaalidu wax ku qeybsato, Dowladu meel fog ayay wax ka eegeysaa diyaarna uma aha inay raali galiso shaqsiyaad”

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in arragti ahaantiisa ay la qaldan tahay in laga daba eryo Dowlada waxa uuna dhaliilay qaab Siyaasadeedka madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Cumar C/rashiid ayaa ka digay in Siyaasada Somalia loo carqaladeeyo shaqsiyaad gaar ah aawgood, waxa uuna ku taliyay in la qaato nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com