Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo shirkii gaarka ahaa ee madasha wadatashiga qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa wali isku haya Siyaasada Somalia, waxaana faraha kasii baxaaya isku soo dhawaanshiyihii yaraa ee labada dhinac u dhexeeyay.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa wali ku doodaya in Somalia uu isaga mas’uul ka yahay islamarkaana yahay shaqsi garanaaya waxa u muhiimsan Beelaha Soomaaliyeed iyo wixii aan u habooneyn.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in suuragal aysan aheyn in Dowladu ay ka tallo qaadato laba maamul goboleed, waxa uuna cadeeyay in qorshaha lagu soo xuli doono Xildhibaanada badeli doona kuwa hada shaqeeya ay noqon doonto qaab 4.5 oo aan gorgortan laheyn.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda ku doodaaya in Xassan Sheekh uu diyaarinaayo qaabkii uu mar kale kusoo laaban lahaa, balse aysan aqbali doonin in qaabkaasi ay noqoto mid loo maro 4.5.

Is jiid jiidka labada dhinac ayaa waxaa barbar socda ololo ay Beesha Caalamka ugu jiraan sida ay ku kala jabin lahaayen dhinacyada is khilaafsan, waxa ayna wanaag u arkaan in mid kamid ah labada dhinac ay sameeyan tanaasul.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo xiligaani xaadir ku ah dalka ayaa marba kulan la qaadanaaya dhinacyada isku haya qodobada, inkastoo rajadu tahay mid u muuqaneysa in go’aanka uu ku jiro gacanta Beesha Caalamka.

Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27.01.2016 ayaa madaxda Dowlada iyo kuwa maamulada dalka looga fadhiyaa inay go’aan cad ka gaaran kulamada iyo wada hadalada u dhexeeya, waana mudadii ay Beesha caalamka u qabatay in go’aan laga gaaro qodobada leysku hayo.

Lama oga go’aanada kasoo bixi kara kulamada maanta la filaayo in madaxtooyada Somalia lagu soo gunaanudo, waxa ayna cabsi ka taagan tahay in natiijo la’aan lagu kala tago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com