Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho.
Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad.
Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Madaxda dowladd oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Lama oga in maalmo ay ku sii sugnaan doonaan & inay maanta dib u laaban doonaan, hayeeshe xiriirka dowladda Federalka Somaliya & dalka Eritrea, ayaa noqday mid wanaagsan, kadib markii Madaxweynaha Eritrea, uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.