Ninkii dilka ugu hanjabay xildhibaan Ilhaan Cumar oo gacanta lagu soo dhigay

Minneapolis (Caasimada Online) – Dadaal dheer kadib FBI-da Mareykanka ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan nin dil ugu hanjabay Gabadha uu asalkeedu yahay Soomaali ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar taasoo hadda ka tirsan Golaha Aqalka Hoose ee Dalka Mareykanka.

Patrick Carlineo Jr. oo ah ninka gacanta lagu dhigay ayaa horey qadka Taleefoonka Xafiiska Ilhaan uga hanjbay inuu dili doono isla markaasna ay tahay Argagixiso mudan in adduunka la dhaafiyo.

Xafiiska uu wacay Ninkaan ayaa ah Xafiiska weyn ee Ilhaan Cumar ay ku leedahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, wuxuuna dil ugu hanjbay XIldhibaanada kadib markii laga jawaabay wicitaankiisa.

Wicitaankaas ayaa hey’adda FBI-da Mareykanka u fududeeyey in durba gacanta lagu soo dhigo ninkaan oo la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxaha uu ku jiro isir naceybka.

Patrick Carlineo Jr. markii gacanta lagu dhigay wuxuu Booliska u sheegay inuu yahay nin Wadani ah isla markaasna jecel madaxweyne Trump.

Sidoo kale wuxuu Booliska u sheegay inuu aad u neceb yahay isla markaasna uu kasoo horjeedo Islaamka Xagjirka ah gaar ahaan kuwa ku jiro Mas’uuliyiinta Dowladda Mareykanka oo ay kamid tahay Ilhaan.

Booliska ka aysan sheegin waqtiga ay gacanta kusoo dhigaan ninkaan ku eedeysan inuu dil ugu hanjabay Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo ah Gabar asalkeedu Soomaali yahay ayaa wuxuu Khilaaf xoog leh kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Mareykanka Trump oo ay ku tilmaamtay inuu yahay nin neceb isla markaasna isla markaasna garab taagan Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com