Xog: AXMED DIIRIYE oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan mooshinka laga gudbiyey Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Magaalada Muqdisho si aad ah looga hadal hayo arrinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xassan ayaa waxaa si adag arrintaasi uga hadaly Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed.

Nabadoon Axmed Diiriye, ayaa sheegay in Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh uu yahay mid xasarad u abuuraya xasiloonida ay iminka ku naaloonayaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Nabadoonka sheegay in ficilada ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka ay tahay mid aan loo dulqaadan doonin, waxa uuna Nabadoonka cadeeyay in mowqif adag ay ka qaadan doonaan Xildhibaanada Mooshinka wada, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia aanu xiligan looga baahneyn gudbinta Mooshin, loona baahan yahay inay muujiyaan tanaasul.

Nabadoonka oo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayo ayaa mooshinkaasi waxuu ku tilmaamay in uu yahay mid qaldan islamarkaana uu dib u dhac ku keenaya horumarka iyo da’daalada ay hiigsaneyso Dowladda Soomaaliya.

Nuqul kamid ah hadalka Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa kamid ahaa “Aad ayaan uga xumahay mowqifka Xildhibaanada ay ka qaaten Madaxweyne Xassan, waxaan xaqiijinayaa inaan taageeri doonin Mooshinkaasi waana mid baadil ah”

”Waxaa hubaal ah in mooshinkaasi uu dib u dhigayo horumarada laga sameenayo Dalka taasina kama aqbali doono Xildhibaanada”

Haddalka Axmed Diiriye Cali ayaa imaanaya xili Madaxweyne Xassan Sheekh uu la daala dhacaayo culeysyo dhan waliba ah, taasi oo sii laba jibaareyso Mooshinka iminka diyaarsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com