Xog: Jawaari oo mar kale waji gabax kala kulmay xildhibaannada wada mooshinka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada laf dhabarka u ah Mooshinka laga soo gudbiyay Xassan Sheekh.

Kulamada ayaa ahaa mid salka ku hayay gudbinta Fariin uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka siday madaxweyne Xassan taasi oo ah in Xildhibaanada Mooshinka wada ay u ogolaadan inuu Khudbad ka horjeediyo Baarlamaanka.

Xogtu waxa ay tilmaameysaa in inta uu kulankaasi socdey si weyn looga doodey soo jeedin ka timid Xaafiiska Madaxweyne Xassan, waxaana dood kadib fariintaasi ka biya diiday Mudanayaasha oo iyagu sheegay in Xassan uusan hor imaankarin Baarlamaanka isaga oo aan ka hormarin Is casilaadiisa.

Xubnaha gaarka ah ee ka socday garabka Mooshin wadayaasha ayaa gabi ahaanba diidey dalabka Xasan Sheekh, waxa ayna sheegeen in ay horay sidaan oo kale dalabkan uga diideen Ra’isul wasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed, Xassan Sheekhna uu bartaasi ka taagan yahay Mooshinka.

Xubnaha ayaa la sheegay in fariin taasi lamid ah u direen Madaxweyne Xassan, ayna u sheegeen in marka hore uu isaga Is casilo kadibna uu u fasaxan yahay ka hadalka arrimaha la xiriira Mooshinka, inta ka horeysana uusan rajo ka muujin hor imaanshiyaha BF.

Jawaari ayaa aad uga carooday wajiga cusub ee uu kala kulmay Xubnahaasi matalaayay Mooshin wadayaasha waxaana la soo warinayaa inuu uga baxay Xafiiska, kadib markii xubnahaasi ay ku gacanseeren dalabka uu Jawaari kasoo qaaday Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhanka kale, Jawaari ayaa ku dhex lumay Madaxweyne Xassan iyo Mooshin wadayaasha waxa uuna qabaa in aan Madaxweyne Xassan uusan hortagin BF si inta uu socdo Mooshinka uu wakhtiga kusii dheereysto.

Mooshinka ayaa abuuray xasarad dhalisay xal u heli la’aanta, waxaana xili waliba suuragal ah in Xassan Sheekh uu maro wadadii ay mareen C/weli Sheekh iyo Shirdoon oo iyagu ku baxay Mooshin ceynkaani ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com