XOG: Arrin cusub oo kusoo korortay mooshinka Xasan (Looma gudbin karo Maxkamadda sare…)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda sare ayaa u sheegay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya inaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aan loo gudbin karin Maxkamdda sare ee dalka iyadoo aan la hor geynin Baarlamaanka Soomaaliya kana doodin mooshinkaasi, waxayna intaas ku dareen in Maxkamadda sare aanay dhameystirneyn oo dhismaheedu qabyo yahay.

Sharci-yaqaanada ayaa cuskanaya Qodobka 92-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo ka hadlaya xil ka qaadista Madaxweynaha.

Qodobkaas wuxuu u qoran yahay sida soo socota:

Dastuur-92

Guddoonka Baarlamaanka ayaa weli ku guuleysan inuu Mooshinka horkeeno Baarlamaanka waxaana muddooyinkii danbe la hadal yahay in loo gudbinayo Maxkamadda Sare oo laf ahaanteeda muran ka taagan yahay. Arrintan cusub ayaa uga sii dareysa sharci ahaan xaaladda Mooshinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com