Dagaal siyaasadeed uu horboodayo Xasan oo ka socda qunsuliyada Somalia ee Jida (Yaa ishaya)

Jidda (Caasimada Online) – Shirciga wasaaradda arrimaha dibadda Sooomaaliya iyo xeerka caalamiga ah ee dublumaasiyadu waxa ay dhigayaan in Qunsuliyadaha guud aysan hoos tagin safaaradda, balse ay yihiin xaafiis ka madaxbanaan oo ka shaqeeyaha dannaha dowladda iyo midda shacabka. Haddaba Soomaaliya waxa ay lahaan jirtay dhawr-qunsuliyad guud oo ka madax-banaana safaaraddaha sida uu sharcigu dhigayo waxaana ka mid ahaa Qunsilyadda guud ee Cadan, Jida iyo Dubai.

Qansuliyada aan ku leenahay dalka Sucuudiga gaar ahaan Jida waxay aheyd mid aan marnaba hoos tagin safaarada Soomaaliya ee Riyaad oo ayadu ah midda diblumaasiyadda iyo siyaasadda xiriirka labada dal ka shaqeysa, sidaas ayeyna labada xaafiis waligood u kala madaxbanaanaayeen.

Maxaa Dhacay?

Dhawaan waxaa safiirka dalka Sucuudiga Soomaaliya u fadhiya loo magacaabay Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Mudane Daahir markii la magacaabay waxaa uu u ololeeyey in Qunsulka guud ee Jida loo magacaabo mudane lagu magacaabo Dayib oo ay qaraabo dhawyihiin Ra`iisul-wasaare Cumar C/rashiid taasoo ra`iisul-wasaaruhu sooo dhaweeyey, hase ahaatee loolaan iyo dood hoose oo farabadan kadib waxaa Qunsulkii guud loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire oo ahaa Qunsulka Soomaaliya u fadhiyey magaalada Nairobi kol horena wasaaradda arrimaha dibadu qorsheysay in loo badalo Sucuudi.

Daahir Maxamuud Geelle markii uu ku guuldaraystay inuu hor istaago magacaabidii Siyaad uuna meesha geysto saaxiibkii Dayid ayuu waxaa uu la yimid qorshe kale oo uu kala wareegayo awooda Qunsuliyada taasoo uu ula tagey adeerkiis Xasan Sheekh.

Daahir waxaa loo amray wasiir arrimaha dibada Mudane CabdiSalaan Hadliye inuu qoro warqad sharci darro ah laguna jabinayo sharciga wasaaradda arrimaha dibadda ee labo sano ka hor laga ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya horeyna u ahaa shircigii ay ku dhaqmi jireen dowladihii hore ee Soomaaliya.

Warqadaan ayaa waxay qeexaysaa in Qunsuliyadii Jida la hoos geeyey safaaradda taasoo macnaheedu yahay in Daahir Maxamuud Geelle yahay Qunsulka Guud iyo safiirka.

Dad xog-ogaal ah oo ka ag-dhaw xaafiiska madaxweynaha iyo ra`’iisul-wasaaraha waxaa laga soo xigtay in labada odeyba dareensanaayeen inay sharci daro tahay warqada aan sharciga ku fadhin ee loo qorey Daahir Maxamud Geele inuu noqdo Qunsul iyo safiir ayadoo lagu xadgubayo sharciga wasaaradda.

Waxaa sidoo kale laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda inuu yiri aniga waa la i amray inaan warqadaan qoro laakiin waan ogaa inay sharci daro tahay oo awoodii labo xaafiis oo kala madaxbanaan la iskugu daray hal nin.

Waxaa ayana mudan in la iswaydiiyo sababta uu Danjire Geelle intaas oo dagaal iyo sharci daro ah u qaadaayo oo u raadinayo awood uusan sharci ahaan u lahey.

Jawaabta oo gaaban waxay tahay in Daahir iyo adeerkiis Xasan Sheekh-ba aaminsanyihiin in Qunsuliyada jida tahay Il dhqaallo iyo dana badan laga heli karo sidaa darteedna ay ku jirto gacanta Daahir.

Mudane Daahir waxaa kale oo si sharci daro ah ku qaatay mushaarkii iyo gunadii ay lahaayeen Qunsulka Guud iyo shaqaalaha Qunsuliyada asagoo og in miisaanayada dowladda ay labada xaafiisba mid walba si gaar ah kula leeyihiin.

Ugu dameyntii Daahir Maxamuud Geelle asagoo isku haleynaya adeeerkiis Xasan Sheekh waxaa uu todobaadkaan tagay magaalada Jida xaafiiska Qunsuliyada asagoo la wareegay xisbaadkii u furnaa Qunsuliyada isla markaana kala badalay shaqaalihii Qunsuliyada.

Danjiraha ayaa tillaabooyinkaan qaadey xilli uu diyaar garoobaya safar uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku tagi doona dalka Boqortooyada Sucuudiga taasoo loo arko in Danjire Daahir ku xalaalaysanayo sharci daradda kuu ku marooqsadey awooduu Qunsuliyda.

Dhanka kale tillaabooyinkaas oo dhan waxay ku soo beegmayaan xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay agaasimaha hay`adda saadaashada hawada iyo duulimaadka wiil uu adeer u yahay ayadoo la xaqaashay khubaradii mudada dheer ka shaqeynaysay hay`adda.

Caasimada Online
Xafiiska Jidda
Caasimada@live.com