Xog: Xasan Sheekh oo arrin halis ah ku fakaraya iyo xildhibaanada oo jawi cabsi galay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in cabsi laga qabo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu kala diro Xildhibaanada Golaha shacabka.

Xubnahaasi ayaa inoo xaqiijiyay in kala dirista ay ugu dhowdahay Madaxweyne Xassan markii loo eego xaalada cakiran ee uu iminka dhex dabaalanaayo.

Waxa ay sheegen in dastuurka cusub ee dalka uusan u ogolayn Madaxweynuhu inuu kala diro Xildhibaanada, balse uu damacsan yahay in kala diristooda uu u adeegsado Dastuurkii Lixdankii, oo awood u siinaaya in uu kala diri karo Baarlamaanka isaga oo aan sameyn la tashiyo.

Dastuurka iminka lagu shaqeeyo ayaa waxaa horay looga dhex saaray qodobka dhigaaya in Madaxweynuhu uu kala eryi karo Baarlamaanka hadii ay ka hor imaadan Mowqifkiisa ku aadan hadii ay jirto xaalad lagu bedbaadinaayo dalka.

Ujeedka looga saaray Dastuurka qodobkaasi ayaa ahaa inuu badan yahay isku dhaca Madaxweyne waliba oo loo doorto dalka iyo Baarlamaanka goortaasi jira.

Eedeymaha ay Xildhibaanada u soo jeediyen Madaxweynaha, ayaa waxaa baaritaan ku samayn karta Maxkamadda Dastuuriga, balse Dastuurkan ayaa cadeynaaya haddii aysan Maxkamad Dastuuri ah jirin, in loo laabanaayo Dastuurkii Lixdankii oo oranaaya eedeymaha Maxweynaha waxaa qaadaysa amaba dhageysanaysa Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha oo dhan waliba iminka laga soo caburiyay ayaa waxa uu naxariis ka raadinayaa inuu kala diro Baarlamaanka isaga oo adeegsan doono Dastuurkii hore ee dalka.

Sidoo kale, Xassan Sheekh oo Xarunta Villa Somalia gaar ahaan Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa u sheegay haddii ay iyagu u noqonayan Dastuurkii Lixdankii, in isagana uu u laaban doono Dastuurkaasi, si uu u kala diro Xildhibaanada.

Mooshinka ayaa dhaliyay caqabadii ugu badneyd waxa ayna cabsida ugu badan ay ka taagan tahay in dalka uu galo xaalad degdeg ah oo Maleeshiyaadka u suuragalin kara inay qalalaaso abuuran.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa kaliya ku badbaadi kara kala dirista Baarlamaanka isaga oo cuskanaayo Dastuurkii hore, inkastoo uu go’aankaasi qudhiisu dhalinkaro xaalad cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com