Qareen si fog uga hadlay mooshinka iyo kiiska musuq-maasuqa ee horyaalla XASAN SHEEKH.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr C/Waaxid C/laahi Warsame oo ah Qareen Soomaaliyeed oo ka howlgala Gobolka Ohaayo ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay eedeymaha la xiriira Musuq-maasuqa oo ay Xildhibaanadu ku eedeeyen Madaxweyne Xassan Sheekh.

Qareenka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Eedeymahaasi, waxa uuna sheegay in Madaxweyne Xassan marka hore looga baahan yahay in Eedeymahaasi uu ka dhaadhiciyo bulshada hadii ay been tahay iyo hadii ay dhabtahay waxa lagu eedeynaayo.

Dr C/Waaxid waxa uu tilmaamay in tuhunka uu yahay mid aan la dhaliilsankarin balse ay u muuqato in Madaxweyne Xassan uu doonaayo inuu isku ekeeyo oo uusan ka hadal.

Waxa uu Qareenka soo hadal qaaday Mooshinka laga geeyay Madaxweyne Xassan Sheekh oo uu ku sheegay inuu yahay mid u baahan in marka hore laga feejignaado dhibaatooyinka ka dhalankara Mooshinka islamarkaana ay mudan tahay in xili hore uu Xassan Sheekh xal u raadiyo inta ay goori goortahay.

Waxa uu sheegay inay mudan tahay in Xildhibaanadu ay la imaadan xisaabtan si uu yiri meesha looga saaro aragtida la xiriirta Musuqa ama isla xisaabtan la’aanta, taasina kaliya looga gudbikaro in targeedka koowaad uu noqdo cadaalad iyo xisaabtan.

Aragti ahaan ayuu cadeeyay inuu qabo in Mooshinka uu burbur hor leh usii hor seedaayo dalka taasina ay sababi karto in Somalia ay weyso kalsoonidii laga qabay dhowrkaani sano horumarka iyo nabada.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka ayuu ugu baaqay inuu ka taliyo aayaha dalka iyo dadkiisa, hadii taasi la waayana uu arrinku ahaan doono mid caqabad u horseedi doonto Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com