Dhageyso Odayaasha Hawiye: MOOSHINKA waa mid qabiileysan, waxaana laga soo abaabulay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mooshin lagu carqaladeynayo dowladnimada Soomaaliya, lagana soo abaabulay dibadda si loogu hor istaago dhismaha maamulada.

Nabad-doon Xaad wuxuu sheegay in Mooshinka sidoo kale laga soo abaabulay maamul goboleedyada qaarkood oo uu yahay mooshin qabiileysan.

“Mooshinka xildhibaanada wada haddii aysan ka noqon waxaa la soo gaaray markii iyaguna mooshin laga keeni lahaa markooda: ayuu yiri Mudane Xaad oo si cad u sheegay in mooshinka uu kala qeybin doono Baarlamaanka kuwa wadana ay xil iyo xoolo doon yihiin.

DHAGEYSO CODKA NABAD-DOON XAAD