Xog: Madaxweyne Xasan iyo odayaasha beelaha Hawiye oo rabo in ay huriyaan dagaal qabiileed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilowday in baraha isgaarsiinta ee ka howl gala magaalada Muqdisho ay hadlaan odayaasha Beelaha Hawiye.

Maxamed Xasan Xaad ayaa ku tilmaamay in uu yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha mid si qabiil ah isaga loo raadsanayo, isagoo markaa iska indha tiraayo xaqiiqda meesha jirta iyo in mooshinka uu sal u yahay sharciga oo la jebiyay.

Cismaan Xasan Macallin oo ka mid ah wax garadka beelaha Hawiye ayaa isaguna waxaa uu sheegay in hadalada kasoo yeeray Maxamed Xasan Xaad uu  yahay mid isaga u gaar ah oo aanay la qabin shacabka Soomaaliyeed.

“Waa ayaan darro in maanta uu dib noogu celiyo 1991 mana ka yeeli doono arrintaas Xaad” ayuu yiri Cismaan Xasan.

Waxaa aay ahayd seddex habeen ka hor markii odayaasha beesha Mudulood aay madaxweynaha ka codsadeen in aanu waddanka qal-qal gelin oo uu xilka iska dhiibo, taas ayaana marqaati u ah in mooshinka uusan ku saleysneen qaab qabiileed ee uu yahay mid loo cuskaday sharciga.

Qof walba waa uu arkaa nabadgelyo xumida, dhaqaalo xumida, musuqmaasuqa baahsan iyo wax qabad la’aanta Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com