“Hadii beesha caalamka ay fashiliso mooshinka, BF wuxuu u lug xiran yahay XASAN SHEEKH”.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane ka tirsan BF Somalia ayaa sheegay in marnaba Beesha Caalamka aysan ku dhiiran karin inay fashiliso mowqifka Xildhibaanada Baarlamaanka ay Mooshinka uga keeneen Madaxweyne Xassan Sheekh.

Khaliif Maxamed Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha, ayaa sheegay in Mooshinka socda aysan shaqo ku laheyn Beesha Caalamka islamarkaana uu ujeedkiisu yahay in lagula xisaabtamo Madaxweyne Xassan oo kaliya.

Meel marinta Mooshinka ayuu sheegay inay ka go’do Xildhibaanada Beesha Caalamkuna ay banaan joog ka tahay arrimaha BF kala dhexeeya Xassan Sheekh.

Xildhibaan Khaliif Maxamed waxa uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka uu weli gacanta ku hayo Mooshinka, islamarkaana aanu u gudbin maxkamadda sare ee dalka, taasina ay qeyb ka tahay Caqabada ay Beesha Caalamka ku heyso Somalia oo aan loo madaxbaneyn Siyaasadooda gaarka ah.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in baarlamaanka aanu fasax geli doonin, maadaama shaqooyin mooshinka ka mid yahay yaallaan, waxa uuna taasi sabab uga dhigay in Xassan Sheekh uu doonaayo inuu ka faa’iideysto maqnaanshiyaha Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale Khaliif Maxamed ayaa tilmaamay in hadii dib u dhac uu yimaado in ay mas’uul ka yihiin guddona Baarlamaanka iyo Maxkamadda sare, balse ka xildhibaanno ahaan ay u diyaar garoobayaan kalsooni kala laabashada Madaxtooyada.

”Haddii uu dib dhac ku yimaado Mooshinka waxaan faraqa qabsan doona Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare”

”Waayo Mooshinka Beesha caalamka waxba kama khuseeyo waa howl u taalla Baarlamaanka dalka isaga ayaa keenay mooshinka isaga ayaana la xisaabtami doona Madaxweynaha”

Haddalka Xildhibaan Khaliif Maxamed ayaa imaanaya xili Xildhibaanada Mooshinka wada ay shaki ka muujiyeen sababta aan ilaa iyo iminka Mooshinka loogu gudbin Maxkamada sare ee dalka oo ay u heystaan Gudoonka Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com