Daniel Arab Moi oo shaaciyey sirta ETHIOPIA iyo Kenya ee Soomaaliya iyo cadaawaddooda (AQRI)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arab Moi oo ka qeybgalaayay dood ay qabatay Jaamacadda lagu barto arrimaha Gaashaandhigga ee Washington, ayaa shaaca ka qaaday sababta ay Dowlada Kenya dalka Somalia uga hortaagan tahay Horumarka iyo xasiloonida.

Mr Daniel Arab Moi, ayaa kulankaasi ka sheegay in Dowlada Kenya aysan xiligaani dan ugu jirin in Somalia ay nabad ka dhalato, waxa uuna tilmaamay in horumarkeeda ay cagsi ku noqoneyso dalalka deriska la ah sida Kenya iyo Ethiopia sida uu dooda ka sheegay.

Waxa uu sababta ku sheegay hadii ay Somalia ka hanaqaado dhibta ka taagan ay mustaqbalka dhow sheegan doonto dhulalka gacanta ugu jira Kenya iyo Ethiopia oo iminka u xisaabsan labadaasi dal.

Waxa uu tilmaamay in Somalia ay mudan tahay inay kusii jirto dhibta bacdamaa ay Kenya walaaca ugu badan ka qabsan doonto dhulka W/barri oo xalaal u noqon doona Somalia, taasina ay caqabad u abuuri karto Kenya oo hanti badan ku bixisay sida dhulkaasi looga saari lahaa Somalia oo iminka ay u rumowday.

‘’Haa waa arrin jirta in Somalia ay mustaqbalka dhow dib ula noqon doonto dhulalka ay Kenya iyo Ethiopia ka heystaa waxaan taasi ka doorbidi lahaa in Somalia ay kusii dhex jirto marxalada iminka ay ku jirto. Waayo waxaa burbur ku imaankaro himilada aan tiigsaneynay dhowrkii sano ee Somalia ay burbursan tahay’’

“Dalalka Somalia la wadaaga xadka waxaa ay ka baqayaan dib u midoobidda Somalia ay keeni karto in ay dib u soo ceshato dhulalka kaga maqan Kenya iyo Ethiopia taasi waa mid igu beertay walaac gaar ah’’

‘’Nabadda Somalia xitaa waxa ay saameyn ku yeelan kartaa in biyaha muranka uu ka taagan yahay ay Somalia dib u hesho. Kenya uma doonaayo inay weyso dhulkaasi ka kooban badda iyo kan deegaanka Soomaalida’’

Haddalka Mr Daniel Arab Moi ayaa noqonaayo kii labaad oo kasoo yeera Madaxweynihii hore ee Kenya, waxa ayna marqaati u noqoneysaa dagaalka qarsoon oo ay Kenya iyo Ethiopia kula jirto Somalia, halka shacabka Soomaaliyeed ay iyaguna yihiin kuwo aan ka tashan aayahooda, bacdamaa uu xaalku sidaa yahay.

Kenya iyo Ethiopia ayaa dalka Somalia u ganacsi geeya Hubka noocyadiisa kala duwan si ay Soomaalidu ay isugu mashquuulaan uga habsaaman dhinacyada Horumarka iyo Nabada.

Labadaasi dal ayaa tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia xalaaleystay dhulal baaxad weyn oo ay iminka xisaabsadaan kuwaasi oo uu gacanta u galiyay Gumeystihii ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@libe.com