Axmed Madoobe iyo C/WELI GAAS oo isbaheysi qabiil isaga kaashanaya burburinta DF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo go’aankii 6-da bishan ka soo baxay baarlamaanka DFS lagu sheegay in baarlamaanka Jubbaland uusan ahayn mid sharci ah, ayaa waxaa soo bidhaamayay heshiisyo is xulufeysi ah oo ay muujinayaan Maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo si qabiil ah isku baheysanaya.

Hogaamiyayaasha Jubba iyo Puntland oo iyagu diidsan go’aankaasi ayaa iminka bilaabay Qorshooyin Guracan, oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Hanaanka Dowladda Federaalka ah ee Somalia ay dalka ku maamuleyso.

Labada Hogaamiye ayaa isku balansanaaya kulan wada jir ah oo ay uga arinsanayaan talaabada DF Somalia iyo sida ay uga gaashaman lahaayen go’aanadaasi, waxaana lagu soo waramayaa in labada Mas’uul ay qorsheynayaan in marka hore ay wada kulansiiyaan Xubnaha ugu sareeya labada gole ee Baarlamaanka jiritaankiisa la beeniyay iyo kan Puntland.

C/weli Gaas oo garab Siyaasadeed u muujinaayo Hogaamiyaha Jubbaland, ayaa waxa uu xiligaani xooga saarayaa sidii DF Somalia ay dib uga laaban laheyd Go’aanka laga gaaray BJ, isagoona Axmed Madoobe u ballanqaaday in marka hore uu bixinaayo talooyin ku socda DF, hadii uu ku gacanseerana uu ku dhawaaqi doono in markale Puntland ay xariga u jareyso DF.

Waxaa la filayaa in labada Hogaamiye mid kood uu u martiyeeyo kan kale si ay qaraar uga soo saaran kulankooda ku aadan ka dhiidhinta inaysan ku qanacsaneyn go’aanka BF uu ku qaadacay jiritaanka BJ.

DF Somalia ayaa iminka is weydiineysa baahiyaha keenay in Maamulka Puntland ay faragalin ku sameyso Khilaafka ka dhex taagan BF iyo BJ, waxa ayna taasi ku sheegen mid muujineysa is xulufeysi salka ku hayo arrimo laga soo gudbay xili hore oo sababna u ahaa burburka Somalia.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa maalin ka hor shaaciyay inay jareen xirrirka kala dhexeeya DF Somalia, islamarkaana Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Dowlada ka jooga Kismaayo soo eryay, halka Maamulka Puntland uu ka cambaareeyay go’aanka lagu laalay BJ.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com