Caasimada Online oo ogaatay sababta hakisay duulimaadyadii Kenya (Sida la moodo ma ahan)

Nairobi (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa soo shaaca baxay in dowladda Kenya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii kaga iman jiray dalka Soomaaliya, ayna xannibaad saartay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, xog ay Caasimada Online ka heshay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegeysa in sababta ay duulimaadyada Kenya kaga iman jiray Soomaaliya u istaageen ay tahay guul darro ka timid dhinaca shirkadaha Soomaaliyeed.

Sarkaalka oo la hadlay wariyaha Caasimada Online ee Nairobi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda iyo ganacsiga caalamiga ah ee Kenya ay labadii bishii March ee sanadkan warqad war-gelin muhiim u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya. Warqadda ayaa waxaa shirkadaha Soomaalida loogu sheegay in laga billaabo waqtigaas ay wixii fasax ee la xiriira soo gelitaanka hawada Kenya kala xiriiraan wasaaradda arrimaha gudaha Kenya oo lagu wareejiyey mas’uuliyadda arrintaas.

Si kastaba shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo la siiyey muddo saddex bilood ah inay fasaxooda cusub kala xiriiraan dowladda Kenya ayaa arrintaas ku guul darreystay.

Dhinaca kale, ilo wareedyo ka tirsan shirkadaha duulimaadyada Soomaaliyeed ayaa sheegaya in sababta aysan fasax cusub u dalban si ay u galaan hawada Kenya ay tahay ayada oo lagu kordhiyey lacagta, balse wax wada xaajood ah kama aysan gelin arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com