General Diini oo xilka laga qaadayo + Gen. Gabre oo amray madaxda DFS + Yaa lagu beddelayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdulqaadir Sheekh Diini, ayaa la filayaa in xilka laga qaado, ayada oo lagu beddeli doono xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, sida xubno ku sugan Villa Somalia ay sheegeen.

Xil ka qaadista General Diini, ayaa la sheegay inay ka timid dowladda Ethiopia, ayada oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaas.

General Gabre oo ah ninka haga siyaasadda Ethiopia ee Soomaaliya ayaa lagu warramay inuu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday beddelaadda General Diini.

Wuxuu Gabre amray in wasaaradda gaashaandhigga loo dhiibo Cabdirashiid Xiddig oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha. Xiddig iyo Axmed Madoobe ayaa ka mid ah dadka sida aadka ah ula shaqeeya Ethiopia.

General Diini ayaa dhowr habeen ka hor hotelka Jasiira ee Muqdisho muddo laba saac ah kula shirayey General Gabre, si uu uga dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aankiisa, balse ku guul darreystay.

Diini iyo 7 xildhibaan oo ay isku beel yihiin ayaa iminka ku sugan Addis-Ababa, ayaga oo doonaya in dowladda Ethiopia ay la hadasho Gabre. Lama oga waqtiga la beddeli doono General Diini, balse waxaa xogta Caasimada Online ay sheegeysaa inuu socdo qorshaha noocaas ah, lana filayo inuusan daahin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com