XOG: Britain oo qorshe ka damacsan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaayiin lacagta dalka England ayaa oo ku bixi jirtay qaab gargaar ayaa loo wareejin doonaa in lagu adkeeyo qaar kamid ah dalalka Africa xuduudahooda si loo joojiyo dadka ka tahriibayo dalal Soomaaliya ay ku jirto, si aysan wadankooda kaga tagin.

Ra’iisul wasaaraha UK ayaa ku amray waaxda horumarinta caalamiga iney fuliyo qorshada looga hortagayo dadka tahriibka ah ee ka tagayo dalal Soomaaliya ay kamid tahay, kuwaasi oo qaarada Yurub nolol u raadsanaya.

Wadamada la doonayo in dhanka xuduuda gargaarkii la siin jiray loo wareejiyo waxaa kamid ah Niger, Somalia iyo Eritrea kuwaasi oo bartilmaameydka ugu horeeyo laga dhigi doono, sida la sheegay waxaana laga taageerayaa dhanka amaanka xuduuda iyo xeebaha.

Isagoo ka qeyb galayay kulan ay lahaayeen wadamada G7 ayuu sheegay Mr Cameron in wadanka Spain looga baahan yahay inuu adkeeyo xuduudiisa uuna ka hortago tahriibayaasha ka gudbaya dhanka galbeedka Africa.

Ra’iisul wasaaraha UK ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qoryooshin cad cad oo lagu joojin karo marinka dadka tahriibayaasha u maraan qaarada Yurub ee Libya, isagoo sheegay in dadka wax tahriibinaya ay yihiin kuwo sida Gaagistarada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com