XOG: Ergo ka socotay maamulka JUBALAND oo dhacdo xun kala kulmay Villa Somalia + Bahdilid

Muqdisho (Caasimada Online)  –Ilo xogogaal ka tirsan Villa Somalia ayaa kusoo waramaayo in Ergooyin ka socda Maamulka Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ay dhacdo hor leh maanta kala kulmeen agaasinka guud ee Villa Somalia.

Xogtuu waxa ay sheegeysaa in Ergadaasi balan la’aan isku dayeen inay la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia hayeeshee Ciidamada Amaanka lagu amray inay banaanka sare Ergada uga saaran Xarunta.

Maxamuud Cali oo kamid ahaa Ergadaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijjiyay in qorshohooda uu ahaa in Madxaweyne Xassan ay kala hadlaan xasarada iminka ka dhexeysa DF iyo Jubbaland waxa uuna sheegay in Ergadu ay yihiin kuwo iskooda isku xil qaamay si xal looga gaaro Khilaafka soo cusboonaaday hayeeshee ay guul darro kala kulmeen Madaxtooyada.

Waxa uu tilmaamay inuu u imaaday Sargaal ka tirsan Saraakiisha Madaxtooyada kadibna uu Xafiiska Madaxweynaha ku wargaliyay in xarunta ay ku sugan yihiin Ergo ka socta Jubbaland, balse lagu amray inuu Ergada banaanka uga saaro Xarunta.

“Waxaan soo raadinay xal iyo inaan natiijo kala laabano Madaxtooyada ma dhicin waxaana la kulanay in si qoor qabad ah banaanka noolaga saaro xarunta markii aan isku daynay inaan ku adkeysano la kulanka Madaxweynaha waxaa nalagu soo dalbay ciidamo dhowr ka kooban oo xoog nooga saaray xarunta”

Maxamuud Cali ayaa sheegay in DF Somalia aysan ka fileynin dhacdada laguu sameeyay balse ay kala xisaabtami doonaan Madaxweynaha, islamarkaana ay u dad badsan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Ergooyinkaani loo diiday inay la kulmaan Madaxweyne Xassan ayaa waxa ay hordhac u yihiin Ergooyin la filaayo in Maamulka Jubbaland usoo diraan Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com