Sawirro: Jawiga Kismaayo oo maanta kacsan iyo rasaas laga dhex maqlayo gudaha magaalada !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka bilawday dibadbax ay ka qeybgalayaan shacab iyo mas’uuliyiinta Jubbaland, kaasi oo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka banaanbaxa isugu soo baxay ayaa ku qeylinaayay Erayo ka dhan ah DF Somalia gaar ahaan BF oo ay ku tilmaamayeen inuu yahay mid aan u hiilin xaqa.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale qalqal galiyay Amaanka Deegaanada uu Banaanbaxa ka socda waxa ayna Ciidamada Amaanka dadku ku kala eryinayeen Rasaas kala duwan si uusan Banaanbaxa isugu bedelin Foodo.

Waxaa xiran guud ahaan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga ee magaaladaasi, waxaana magaalada wareegaya gaadiid lagu soo xiray cod baahiye, shacabka loogu sheegayo in ay ka wada qeybgalaan dibadbaxaan.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana wadooyinka gala Madaxtooyada Maamulka la soo dhoobay Ciidamo xaqiijinaayo amaanka kuwaasi oo rasaas ooda kaga qaaday banaanbaxayaasha waxa uuna dibad-baxa imaanayaa iyadoo uu maanta Kismaayo ka degay Hogaamiyaha Maamulka Juba Axmed Madoobe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21