Xildhibaan kashifay sababta madaxweyne Xasan Sheikh uu uga hadlay kala gurashada DF & Juba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llahi oo kamid ah Xildhibaanada BF ayaa si adag uga hadlay go’aanka Madaxweyne Xassan ee ku aadan ka hadalka kala gurashada BF iyo BJ.

Waxa uu sheegay in markii hore uu diidanaa inuu ka hadlo ama uu taageero go’aanka BF ay ku laaleen Baarlamaanka Jubba, waxa uuna tilmaamay inay ka dambeysay kadib markii Xildhibaano kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland ay arrintaasi kala hadleen.

”Xassan sheekh marba cidii u tagta ayuu la jiraa waxa uu maantana keenay inuu raali galin ka bixiyo go’aan dharaar cad ay gaaren BF”

”Hadalka uu sheegay waxaa ka keenay cabsi uu ka qaaday dhanka Xildhibaanada BF ee kasoo jeeda Jubba mooye arrinku sidaa maheyn waxa uuna balanku ahaa inaan laga jawaabin”

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in go’aanka Xassan Sheekh uu yahay mid marba dabeeshu ay dhinac u tuureyso.

Dhanka kale, Xildhibaanada BF ayuu ku guubaabiyay inaysan dhinac u fiirin go’aanada is xigxiga ee rajada lagu baadi goobayo kana soo bixi doona Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com