XOG Axmed Madoobe oo wada qorsho uu ku dib dhigaayo magacaabida Wasiirada (Sababta)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in dib u dhac uu ku imaado xiligii la magacaabi lahaa Wasiirada cusub ee Maamulka Jubbaland oo ku ek Shanta Bisha soo socota ee November.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in caqabado jiro awgood uusan Madaxweyne Axmed Madoobe ku degdegi karin magacaabida Wasiirada Cusub.

Ilo wareedka ayaa kusoo waramaaya in dib u dhac uu ku imaan doono xiliga la filaayay in lagu dhawaaqo Wasiirada oo aheyd Shanta Bisha soo socota ee November.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha Jubaland oo sheegaya in magacaabistii golaha wasiirada dib udhacday hase ahaatee Caasimada waxay xog ku heshay in arimo la xiriira dib uheshiisiinta dartood ay dib ugu dhacday magacaabistii golaha wasiirada Jubaland.

Horaanta Bisha November ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco shir dib uheshiisiineed kaasoo oo lagu soo afmeerayo wadahadalo bilihii iyo usbuucyadii udambeeyay usocday madaxda maamulka Jubaland iyo siyaasiyiin horay usaluugsanaa maamulka Jubaland kuwaas oo hada go’aansaday in qayb ka noqdaan dhismaha iyo horumarka maamulka Jubaland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu wadaa in ka hor shanta Bisha November waydiisto baarlamaanka Jubaland wakhti kordhin kale si loo dhameystiro barnaamijka dib uheshiisiinta ee horyaala kadibna uu ugacan banaanaado dhimsnaha golaha wasiirada Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com