XOG Odawaa oo wada qorsho caqabad ku ah Axsaabta dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa wado qorsho lidi ku ah Axsaabta Siyaasadeed ee ka dhisan dalka.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa in loogu gol leeyahay in lagu hor istaago sharciyeynta Axsaabta dalka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka ka dhici doonta sanada 2016-ka.

Wasiir Odawaa oo xubin firfircoon ka ah Ururka Dam jadiid ayaa lagu amray in Axsaabtaasi uusan u gudbin BF Somalia, si aysan caqabad ugu noqon musharaxnimada Madaxweyne Xassan, sida aan kasoo xiganay Mas’uul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha.

Hor geynta Axsaabtaasi BF ayaa waxa ay sababi kartaa in Baarlamaanka uu aqoonsado bacdamaa Xildhibaanada intooda badan ay kamid yihiin axsaabtaasi.

Axsaabta ayaa waxaa kamid ah Siyaasiyiin dooneysa inay isu soo taagan doorashada dalka iyaga oo matalaaya xisbiyada ay ku jiraan waxa ayna taasi qalqal galineysaa hamiga Madaxweyne Xassan.

Xubnaha Dam jadiid ugu jira DF ayaa qaba inaan la buun-buunin arrimaha axsaabta sababo la xiriira inay ka cod bataan xiliga doorashada Xassan Sheekh amaba ay taageero u muujiyaan musharaxiinta kale ee u tartameysa doorashada.

Dhanka kale, haddii uu baarlamaanka meel mariyo Axsaabtaasi waxaa hoos u dhac ku imaan doona rajadii uu Madaxweyne Xassan ka lahaa dib u hanashada kursiga madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com